Make money doing the work you believe in
Gebilay; magaalada boqorku u dalxiis tago bilaha fasaxa!
Boqorradii caalamka iyo kuwa maanta joogaa ba wax ay ka siman yihiin waxyaabo badan oo dawladnimada saldhig u ah. Sidoo kalena, waxa jira arrimo soo hoos gelaya dhamaystirka dawladnimada, oo qofka talada haya la gudboon in uu hirgeliyo, si xilka saaran uu u gudan karo sida ugu habboon.
Hadda ba, arrimahaas waxa ka mid ah in kolka boqorka/madaxweynaha la siiyo muddo uu ka nasto shaqada, in isla jeerkaasna la dejiyo goob maskax ahaan, jidh ahaan iyo nafsad ahaan ba uu ku xasili karo.
Tusaale ahaan, Luwiiskii 13aad ee Faransiisku waa kii dhistay tuuladii Fersaalis, oo u ahayd goob uu ku madaxdejisto. Isagana waxa ka dambeeyay inankiisii la magacbaxay Luwiiskii 14aad, oo hawshii aabihii dhameeyay, dhidibadana u taagay qasrigii caanka ahaa ee "Palace of Versailles".
Boqorradii Jayniiska ahaa xilliga xagaaga ee caasimadda Biijin ay kulaylka tahay, wax ay u qabawsi tegi jireen magaalada "承德避暑山庄", oo caan ku ah quruxda dabiiciga ah, ee Ilaahay ku manaystay. Hadda ha iloobin boqoraddii Ingiriiska ee Fiktooriya in ay dalka Iskotlaan ay u faakihaysi tegi jirtay, kolka nafsadeedu Landhan col la noqoto kk.
Sida aynu ognahay, Gebiley waa magaalo masaafo ahaan u dhow caasimada dalka, oo wakhti kooban baa loo kala safraa. Dhanka kalena, deegaan indhahaaga sixraya baa ay leedahay, oo amaan iiga ma baahna, oo quruxdeedu waa - loo og, "Gobolka Cagaaran"na waa loo baxshay!
Waxa intaas ba ka yaab badan in bulshada ku nool magaaladaasi ay yihiin akhyaar dabeecad cuddoon leh. Degenaanta, mudakarnimada, martisoorka iyo ka sarriigashada arrimaha liita baan tusaale u soo qaadan karaa.
Qofka raba in uu sawaxanka caasimada ka yara baxo, oo naftiisa uu la qaato wakhti fiican, ama doonaya in uu qoyskiisa jawi-farxadeed la galo, fa calayhi bi safari ilaa Gebiley kkk.
"Jannadii galbeed"🌽

