The app for independent voices

Intan ila fahan

Marka raggu ka dhaqaaqaan masuuliyadda aabbennimo waxaa abuurma: reero burburay, dhaawacdo shucuureed, xanuunno nafsadeed, nacayb-wadareed ragga ka dhan ah iyo suurad xumayn guur. Waa qayb weyn oo ka mid ah dhibaatooyinka dunida gilgilaya.

Haweenka looma abuurin in ay keligood ilma koriyaan, waa xil ka qarawayn iyaga. Ma lahan lafdhabar xammili karta masuuliyadda korinta ilmo aabbahood ka tegay, danta ayaana badda. Deraasado badan oo galbeedka lagu sameeyay ayaa muujinaya in dhallinyarada ugu badan ee xanuunnada nafsadeed la nool, kuwa isdeldela, kuwa rabshadaha ka qayb qaata iyo kuwa ugu badan maandooriyayaasha qabatimaaba in ay yihiin, carruuro hooyooyin keli ahi koriyeen. Sidoo kalena waxaa deraasada qaar caddeeyeen in haweenka ugu badan ee korinta ilmaha la halgamaa ay xanuunno la noolyihiin. Bal suurayso kuwa geeska Afrika ku nool fakhriga, colaadaha iyo basanbaska nololeed u dheer yihiin.

Sababta aan u soo qoray intaa sare waa in nin walba oo naga mid ahi xasuusnaado in dhibaatadaasi aysan ahayn wax iska dhacay. Waxa ay ka dhalatay rag caafhkoodu hogaamiyay oo aan xilkas ahayn. Haddii aadan diyaar u ahayn in aad dhabarka u ridatid xilka wayn ee aabbenimada—Carruurta iyo hooyadoodba—waxa aad qaaraan ku darsanaysaa dhibaatadooyinka iyo xanuunnada dhimir ee dunida, waxa aad quusinaysaa gashaantiyaha, waxana aad ceebaynaysaa ragga.

Habka ugu liita ee aad u fikiri kartaa waa habka ah: dhal iyagaa iska kori doonee. Wax iska korayaa ma jiraan. Dhugo hareeraha laamiyada: hooyooyinka xilliyada dambe ee habeenkii ku haray ee qaadka, caanaha iyo iwm ku iibinaya. badidood waa garoobbo iyo kuwa ninmakii ilmaha ka dhalay xilkoodii gabeen. Haddii aad aamminsan tahay "way iska korayaan" orgi baa tahay ee adhiga deriskiinna orgee, iyagaan xil aabbennimo kaa saarnayne!

Mar 31
at
4:19 PM
Relevant people

Log in or sign up

Join the most interesting and insightful discussions.