Make money doing the work you believe in

Ma rabtaa in aad si fiican u barato af qalaad? - hadda si dhakhso ah iyo si fudud midna ma odhan!

Keliya jeclow luuqaddaas, waxyaabaha xiisaha kuu lehna ku qabso, oo ku isticmaal; dhagaysiga suugaanta. Daawashada waraysiyada, wararka, ciyaaraha, filimada, ama barnaamijyada. Akhrinta sheekofaneedyada, qormooyinka, buugaagta…. Adiga ayaa iga yaqaan waxa aad xiisayso.

Ka dibna, deegaankaaga-qofeed ku weegaar luuqadaas; haddii uu yahay gidaarrada qolkaaga, albaabka gurigaaga iyo applications-ka moobilkaaga aad ku adeegsato.

Waxa intaas raaca in aad yeelato manhaj aad dhigato, iyo qof aqoon u leh afkaas oo ku gacanqabta, wixii aad fahmi waydana jidbixin yaqaan.

Haddii aad rabto qof kale oo kula barta afkaas, hadhawna aad iska kaalmaysataan ku hadalkeeda iyo chatting-keeda, waa arrin la mahadiyo oo dedaalkaaga sii bilaya.

Waa ba intaas.

May 9
at
5:29 AM
Relevant people

Log in or sign up

Join the most interesting and insightful discussions.