Make money doing the work you believe in

Halkee baan ka bilaabaa barashada luuqadda?

Af kaste wuxuu leeyahay saddex kayd.

Haddii aad si fiican u dhogato saddexdan kayd, waxa kuu fududaanaya in luuqadda aad baranaysid meel ugu hagaagtid, oo awood u yeelatid in aad wax ku akhrido; waxna ku qortid, muuqaalkii kaa soo horbaxana si waafi ah uga bogatid; ku hadalkeeduna aanu ku dhibin.

Waa kuwan saddexda waaxood:

1. Kaydsuugaaneed (Classical / Literary):

Afkan ama kaydkan waa mid inta badan ku dhitaysan buugaagta suugaanta iyo taariikhda, oo waa qaybta soo bandhigta hodantinimada afku leeyahay, qotodheerida aragti-nololeedka bulshadaas, sooyaalkoodii iyo halbeegyada nolosha ee ay leeyihiin. Waa qayb cidda barata lagu yaqaan in uu yahay aftahan, hadalka hor heli og. Hebel waa "Suugaandhaadhi" ma maqashaa? Ha ka noqon, isaga weeye.

Tusaale:

"Adigu ba caqli baad leedahay e carar maxaa dhaama"

2. kayd-afsuuqeed (Colloquial / Dialect):

Kaydkan waa midka loogu adeegsiga badan yahay, oo waa hadalka aynu adeegsanno habeen iyo maalin ba. "Asc. Ma fcn thy?", waa afsuuqeed.

Tusaale:

"Cagaha wax ka day." - oday baa ku yidhi nin Ingiriis ah oo ay la ahayd in uu afkii Soomaaliga bartay, laakiin inta uu odaygu koray ka agdhawaa u yeedhay uu weedhan labadooda ba ku wada yidhi. Inankii yaraa isla markii ba wuu cararay, ninkii caddaaana cagihii buu saani wax uga fiiriyay.

3. kaydka afka la isla yaqaan (Standard | Academic language):

Kaydkan waxa lagu isticmaalaa goobaha bulsho-weynta loogu adeego. Hay'adaha dawladda, dhakhaatiirta, dugsiyada, goobaha warbaahinta, shirkadaha....

Sidoo kalena, hadaljeedinta qumman, qoraalka tifaftiran, waraaqda sharci ama shaambad wadata.... Waa loo adeegsadaa.

Tusaale:

"Carar."

Hadda ba, kolka aad tidhaa waxa aan doonayaa in aan barto - tusaale ahaan - afka Ingiliishka, bal isweydii saddexdan kayd kee baad rabtaa in aad barato.

Ma wax aad rabtaa in aad buuni ku noqoto afka? Mise wax aad doonaysaa in aad nololmaalmeedkeega ku adeegsato? Mise waxa kuu qoondaysan in aad afka u baratid si hadhaw aqoonta ku qoran aad u dhigan lahayd, waxna uga soo minguurin lahayd?

Bal ujeedada aad u baranaysid afka hubso, dabadeedna ku dhaqaaq kaydka

ujeedadaas ku gaynaya.

May 10
at
9:55 AM
Relevant people

Log in or sign up

Join the most interesting and insightful discussions.