Make money doing the work you believe in
Maxaa innoo diidaya barashada luuqadaha?
Wadiiqo kasta oo la maraa dhagxo lagu turanturoodo iyo qodxo ku mudda ba waa ay ka buuxaan. Haddii jimicsiga aad bilawdo, kolka hore culeys badan baad kala kulmaysaa. Shaqo cusub haddii ay kuu soo baxdo, in aad isla markii ba ka soo dhalaashaa waa ay adag tahay. Nolosha oo idil baa sidaas ah!
Hadda ba, waxa aynu isweydiin karnaa maxaa ay yihiin waxyaabaha innaga hortaagan in aynu afafka baranno?
1. In aad ka cabsato qaladka naxwaha ama dhawaaqyada adag ee afkaasi leeyahay.
Qof kasta oo luuqad cusub bartay, maalin buu agnaan ka ahaa oo xitaa xarfaheeda aanu kala aqoon. Dedaal iyo isku day buu bartaas ku gaadhay; qaladkuna sees buu u ahaa halgankiisaas, adiguna la mid baad tahay ee ha ka cabsan in aad wax qaladdo. Saw ma ogid dadka afka u dhashay in badankoodu ay maalin kasta ku dhacaan qaladaad naxwe oo waa weyn? Markaa in aad adiguna qalado, maxaa ku jaban?!
2. In aad isbarbardhigto qof afka kaa yaqaan ama ba u dhashay, oo goor iyo ayaan ba sida uu ugu hadlo, ama qoraallada uu ka sameeyo aad isku dhererisid, taasina ay keento in aad ka niyadjabto, oo naftaada aad ku tidhaa: "haddii luuqadda sida hebel oo kale aanan ugu hadlaynin, ha iga maqnaato!"
3. In aad degdegsato natiijada dedaalkaaga!
Samirku waa laga maarmaan. Afku laba hirar oo kala dambeeya buu maraa: mar waa xog maskaxdu qaadanayso oo hab akhris, dhagaysi, ama daawasho ah ay ku helayso, marna waa waxsoosaarka ka dhasha xogtii ay heshay, oo waa ku hadalka iyo qoraalka. Labadaas mawjadood buu afku leeyahay. In aad lix bilood iyo wax la mid ah qabsataa wax ay keensanaysaa in aad degdegsato maxsuulkii wanaagsanaa, dabadeedna kolkii uu kula qurux badnaan waayay, waa adigaa faraha ka qaaday luuqaddii ba!
4. Qofka oo afkiisa hooyo sabool ka ah!
Mid ka mid ah dhibaatooyinka qofka ku adkeeya in uu afafka kale barto waxa ka mid ah in afkiisa hooyo uu agnaan ka yahay. Haddii dhinaca ereyada ay tahay, waa kan oo tiro kooban buu ka yaqaan. Dhinaca suugaanta haddii loola kaco, badaw buu ka yahay, ama waa buu ka faanaa. Naxwahana hadalkiisa daa.... !
Weligaa mid ogsoonow, qofku wuxuu ku tamariyaa afkiisa, oo inta uu ka yaqaan buu luuqadaha kale ku baran karaa, oo uu ku dhadhamin karaa micnaha ereyadooda.
5. In bulshada uu ku noolyahay ay tahay bulsho-hal-afley ah.
Waan ogahay in aad ka war hayso dalalka Afrika badankoodu in ay leeyihiin afaf badan oo ay ku hadlaan. Nin ka soo jeeda mid ka mid ah dalalkaas, oo jaamacadda ila dhigta baan weydiiyay inta af ee uu ku hadlo, wuxuu ii sheegay in uu 8 luuqadood uu ku hadlo, isla markaana uu doonayo in uu barto afka Carabiga. Hadda Muslim ma'aha ee ogow. Sida oo kalena, dalalka Hindiya, Baakistaan iyo kuwa ay jaarka yihiin, qof kasta wuxuu ku hadlaa ugu yaraan afar luuqadood! Arrintaasi wax ay ka caawinaysaa in uu baran karo afaf kale, maadaama wax weyn aanay agtiisa ka ahayn!
Hadimooyin kale oo badan waa ay jiraan, laakiin maanta intan baa aynu ku koobaynaa.
