Make money doing the work you believe in
Weligaa Aabbe ha noqon!
Toddoba jir baan ahay. Nin baan noqday, oo qol nalkiisu damsan yahay baan keligay seexdaa. Saddexda hablood ee iga weynna, aniga ayaa mas'uul ka ah, hooyo wax ay uga baahato dukaankana waan uga soo iibiyaa... Hawlahaas oo idil waan ka soo dhalaalay, iyada oo cid ii dirsatay aanay jirin.
Hal shey baan se tebayaa... In aan la sheekaysto aabbahay baa ii dhiman! Laakiin aabbo aroor walba kolka aan soo kaco iyo isaga oo iridda ka sii boodaya ayaa isku beeganta, habeenkiina wuxuu yimaadaa annaga oo hurudna, saa kansho uma helo in aan la fadhiisto!
- “Horta aabbo ma boodhin buu dhigtaa, ileyn waa kan mar walba maqan e?” baan hooyaday maalin weydiiyay. "Maya ee, shaqo adag buu ku maqan yahay, ee adigu maxaad ka doonaysaa aan kuugu sheego e?"
- "Waxba, hooyo. Iska daa."
"In aan la sheekaysto ayuun baan rabaa, bes" ayaan cod hoose naftayda kula xanshaashaqay, waa bay i maqli lahayd hooyaday haddii ay iga agdhowdahay.
Waagii baa baryay. Sidii caadada ii ahaydna aabbe oo sii baxaya aan ka daba tuuro su'aashaydii uu dhibsan jiray.
"Aabbo, goormaan kula sheekaystaa?"
- "Dee Aabbo waa adiga og in aan gaadhi xamuul ah ku shaqeeyo. Haddii hal saac aan ka daahana, mushaharkayga baa laga jarayaa, ee ha i hamsaamin hadda ba."
- "Aabbo, wax aad ii sheegtaa halka saac imisa ayaad ku shaqaysaa?"
- "Oo maxaa kaa galay?"
- “In aan iska ogaado ayuun baan rabaa.”
- "Caruurnimo waa faduulnimo, Wallee. 500 oo Yuuro baan ku shaqeeyaa, ee hadda ba jaaw.", jiiq... Qab.
Wax aan doonayaa in aan u sheekeeyo aabahay. In uu iga waraysto dhacdooyin badan oo goobjoog aan u ahaa, oo wax ba aan ka fahmi waayay baan uga fadhiyaa in uu gacan ka geysto fur-furidda halxidhaalayaashooda. Sida oo kalena….. May, may, isaga ayaan la sugayaa. Wax kasta ha igu qaadato e, horta waa in aan helaa kansho aan kula sheekaysto aabbahay.
Jiiq.... Qab. Horta yarkan Guuleed muxuu aroor walba iiga dalbadaa in aannu wada sheekaysanno? Oo caruurta kale ba waxaas ii lama yimaaddaan e, isaga maxaa qaaday? Sheekadu ma ba xuma e, haddii aan la fadhiisto, yaa bariiskii ay cuni lahaayeen u shaqaynaya? Miyaanu ogayn in Yurub lagu noolyahay, oo ruux kasta madaxiisa la saaray naftiisa iyo qoyskiisa? Soomaali-Maxamed kala war la'aa!
Saakana waa subax kale.
- "Aabbo, wax aan doonayaa in aan kula sheekaysto"
- "Waar miyaanan ku odhan shaqadaan ku kallahaa? Dhega!
Naa dee inankaaga qabso, oo edaabta bar."
- "Oo muxuu sameeyay......?"
- "Hoo 500 ee Yuuro, oo aabbo ila fadhiiso hal saac oo keliya!"
- "Waar halkee baad lacagtan dhan aad ka keentay?"
- "Nususaacihii hooyo i siisay bishan dhammaanaysa bilawgeedii, illaa kii shalay aan ka qaatay baan uruursaday, si saacad shaqadaada ka mid ah aan kaaga iibsado."
- "Yaa!"
Odaygii fajac iyo amakaag baa ku dhacay. Jidhiidhico kulul baa tin illaa cidhib mudh ka soo tidhi. Wuxuu xasuustay aabihii oo si walba ula ciyaari jiray. Waxa maankiisa ka dhaqaaqi waayay odaygii dhalay oo qaadaya, dabadeedna kor u tuuraya sida laacib ku guuleystay koobkii adduunka. Ilbidhiqsigaa uu hawada ku maqan yahay - sida ay isaga la tahay - waa laxdadda ugu qiimaha badan noloshiisa. Waxa garan kara ilmo agoon ah, oo hortiisa cunug la ayni ah aabihii uu kor u tuurayo, ama nin toban sanno reer leh, oo Ilaahay ka daahiyay ubad uu dhalay in uu kor u tuuro!
Aabahani muxuu dayntii aabihii ku lahaa uu iskaga bixin waayay? Dayntii ciyaarta? Wax wal ba waxa kaaga daran siduu uu uga daahin jiray shaqada, maantana waa kaas inankiisa saacad u la'. In uu shaqada ka daahayo haddii uu ilmihiisa la fadhiisto, cudurdaar ma u noqonaysaa? Ila ma aha!
Wiil caasi ah aragnay e, waalid caasi ah ma maqasheen?
Your children don't remember your salary. They remember if you showed up for them.
-Yameenuddin Ahmed

