Dagaal beeleedyo xooggan oo sababay dhimashada in ka badan 15 qof ayaa saaka ilaa hadda ka socda waqooyiga Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhow deegaannadaas ayaa xaqiijinaya in dagaalka uu u dhexeeyo maleeshiyaad ku kala abtirsada beelaha Mareexaan iyo Dir, kuwaasoo ku dagaallamaya dhul baadiye ah.
Inta badan deegaannada ay ka taliyaan maamullada dowladda federaalka xubnaha ka ah, ayaa waxaa ka dhaca dagaal beeleedyo dhiig badan uu ku daato. Nasiib darro, ma muuqdaan dadaallo wax ku ool ah oo nabad lagu dhex dhigayo beelahaas walaalaha ah.
Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa wali ka taagan colaado u dhexeeya beelaha Garre iyo Jiido, kuwaas oo ku dagaallamaya degmada Qoryooley, iyadoo aan weli la gaarin heshiis rasmi ah. Sidoo kale isla gobolkaas waxaa sixun ugu dagalamaya beelaha Gaaljecel iyo Hubeyr kuwaasi oo dagaalkooda uu gaarey heer ay nolosha isku gubaan
Dhanka gobolka Bakool dagaal beeleedyo qaraar ayaa ka socda kuwaas oo u dhexeya beelaha Hadamo iyo Luwaay oo halkaasi wada dega. Sidoo kale beelaha Geelidle iyo Jilible ayaa iyaguna ku dagaallamaya qaybo kale oo ka mid ah gobolka Bakool.
Gobolka Baay, gaar ahaan degmada Diinsoor, waxuu dagaal ku dhex maraya beelaha Geelidle iyo Dabarre oo halkaasi wada dega
Arrinta layaabka leh ayaa ah in dhammaan deegaannada ay beelahaan Soomaaliyeed ee walaalaha ah ku dagaallamayaan ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeye, oo ay ka mid yihiin kuwa ATMIS iyo kuwa Xabashida Itoobiya.
Jubba Updates